Kusoo dhawaada SomTube 2.1 · Turkiga

Maanta waxaan ku darnay luuqad cusub: Turkiga. Hadda muuqaallada YouTube ee Turkiga ah, waxaad ku daawan kartaa qoraal af-Soomaali ah.
Waad codsateen, waan ku darnay.
Bulshada Soomaaliyeed iyo Turkiga xiriir dheer ayay leeyihiin: waxbarasho, ganacsi, safar iyo caafimaad. Arday badan oo Soomaali ah ayaa Turkiga wax ku barta, ganacsato badanna halkaas ayay la shaqeeyaan. Codsiyada aan helnay waxay muujiyeen in loo baahan yahay, waana ka jawaabnay.
Waxa cusub
- Turkiga → af-Soomaali: casharrada, wararka, wareysiyada iyo barnaamijyada Turkiga ah
- Hadda 5 luuqadood: Ingiriis, Carabi, Jarmal, Faransiis iyo Turkiga
- Dherer kasta: sida SomTube 2.0, muuqaal kasta oo 1 saac ama 10 saac ah
- Weli waa bilaash
Sidee loo isticmaalaa?
- YouTube ka koobiyee link-ga muuqaal Turki ah.
- Ku dheji SomTube.
- Daawo qoraal af-Soomaali ah.
SomTube si toos ah ayuu u gartaa luuqadda, sidaas darteed wax kale uma baahnid inaad doorato.
Luuqadda xigta?
Luuqad kale ma rabtaa? Noogu soo qor faallooyinka ama X: @SomTubeApp. Codsiyadiinna ayaa go'aamiya waxa xiga.