SomTube
Bilow
← Waxa cusub
v2.0· 1 daqiiqo akhris

Kusoo dhawaada SomTube 2.0 · Dherer Kasta

Booskapro · Aasaasaha SomTube

Maanta waxaan soo saarnay SomTube 2.0, waana update-kii ugu weynaa ilaa SomTube la bilaabay. Hadda muuqaal kasta oo YouTube ah, dherer kasta ha lahaadee, waxaad ku daawan kartaa qoraal af-Soomaali ah.

Buuggan maqalka ah wuxuu socdaa 8 saacadood, SomTube-na wuu diiday.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, dad badan ayaa noo soo diray codsigaas. Aqoonta ugu qiimaha badan inta badan waxay ku jirtaa muuqaallada ugu dhaadheer: buugaagta maqalka, wareysiyada qotada dheer iyo casharrada buuxa. Waad codsateen, waan dhageysannay.

Maxaa isbeddelay?

Hore, SomTube wuxuu turjumi jiray muuqaallada ilaa 3 saacadood oo keliya. Hadda xad dherer ma jiro: muuqaalku ha ahaado 1 saac ama 10 saacadood.

Sidee u shaqeysaa?

  1. Turjumaaddu way ku raacaysaa. Qaybta aad daawanayso iyo qiyaastii 15 daqiiqo oo ka horreysa ayaa la turjumayaa.
  2. U bood meel kasta. Haddii aad rabto saacadda 5aad, halkaas ayaa turjumaaddu ka bilaabanaysaa, ilbiriqsiyo gudahood.
  3. Wax lama lumiyo. Qaybaha la turjumay waa la kaydiyaa, qofka xigana isla markiiba ayuu helayaa.

Waxa hadda la furay

  • Buugaagta maqalka (audiobooks)
  • Podcast-yada iyo wareysiyada dhaadheer
  • Casharrada iyo koorsooyinka
  • 4 luuqadood → af-Soomaali: Ingiriis, Carabi, Jarmal iyo Faransiis
  • Weli waa bilaash: akoon, email iyo lacag midna looma baahna

Mahadnaq

Mahadsanidiin dhammaantiin dadkii tijaabiyay, faallooyinka qoray, una gudbiyay asxaabtooda. Aqoonta adduunka, hadda af-Soomaali. Dherer kasta.

Wadaag